Dilka Sh Cabdiwali iyo Anshax Darrada Dadkeena.
Maanta oo ay Taariikhdu tahay 26-Nov-2018, waxaa magaalada Gaalkacyo lagu dilay Sh Cabdiwali Sh Cilmi Yare, oo ahaa wadaad suufi islamarkana xarun ay xer badani joogto ku lahaa Magaladaasi. Sh Abdiwali ayaa geeryooday ka dib weerar ismaadamin iyo dagaal lagu soo qaaday xaruntiisa. Waxaana sidoo kale weerarkaasi ay dhimasho iyo dhaawac kasoo gaadhay xerta wadaadka. Geerida wadaadka waxaa uu si wayn u qabsaday baraha bulshada Facebool iyo Twitter, iyagoo dadka si taban iyo togan ugu hadlay. Dadka qaar ka mid ah ayaa, waxaa ay durbaba barahooda kusoo oraahyo xanaf leh iyo aflagaado toos ah oo ay u geesteen wadaadka la toogtay. Shareecada Islaamka. Barigii saxabada waxa jiray, nin la oran jiray Abii Jahal oo dagaal ba'an la galay muslimiinta, maadama uu ka mid gaalada qureesheyd oo dagaal aan joogsi lahayn ku heeysay Nabi Muxumed NNKH. Geerida Abii jahal ka dib, waxaa diinta islaamka soo galay wiil u dhalay A...