Dilka Sh Cabdiwali iyo Anshax Darrada Dadkeena.
Maanta oo ay Taariikhdu tahay 26-Nov-2018, waxaa magaalada Gaalkacyo lagu dilay Sh Cabdiwali Sh Cilmi Yare, oo ahaa wadaad suufi islamarkana xarun ay xer badani joogto ku lahaa Magaladaasi.
Sh Abdiwali ayaa geeryooday ka dib weerar ismaadamin iyo dagaal lagu soo qaaday xaruntiisa. Waxaana sidoo kale weerarkaasi ay dhimasho iyo dhaawac kasoo gaadhay xerta wadaadka.
Geerida wadaadka waxaa uu si wayn u qabsaday baraha bulshada Facebool iyo Twitter, iyagoo dadka si taban iyo togan ugu hadlay.
Dadka qaar ka mid ah ayaa, waxaa ay durbaba barahooda kusoo oraahyo xanaf leh iyo aflagaado toos ah oo ay u geesteen wadaadka la toogtay.
Shareecada Islaamka.
Barigii saxabada waxa jiray, nin la oran jiray Abii Jahal oo dagaal ba'an la galay muslimiinta, maadama uu ka mid gaalada qureesheyd oo dagaal aan joogsi lahayn ku heeysay Nabi Muxumed NNKH.
Geerida Abii jahal ka dib, waxaa diinta islaamka soo galay wiil u dhalay Abii Jahal, oo la iraahdo Cikrama Bin Abiii Jahal. Saxaabada Rasuul SCW qaar ka mid ah auaa si aan ka gamabad lahayn u ceyn jiray abii Jahal isagoo aan nooleyn.
Cayda Abii Jahal oo aan noleyn, ayaa waxaa maqaly Nabi Muxamed NNKH, wuxuu uu saxaabada ka reebay falkaasi, isaguu ku yiri " لا تسبوا أباه، فإن سب الميت يؤذي الحي، ولايبلغ الميت"
" ha caayina aabihii, maxaa yeelay maydka oo lacaayo waxay dhibeysa kan nool, oo magarayso maydka"
Ugu dambayntii, waxaan jeclahay in aan aqristayaasha u daayo, waxaan ka baran karno xadiithkaan iyo qaabka aan dhaqamadaan uga hortagi karno." ha caayina aabihii, maxaa yeelay maydka oo lacaayo waxay dhibeysa kan nool, oo magarayso maydka"
Ugu dambayntii, waxaan jeclahay in aan aqristayaasha u daayo, waxaan ka baran karno xadiithkaan iyo qaabka aan dhaqamadaan uga hortagi karno.
W/Q: Mohamud Adan Mumin

Comments
Post a Comment