Webigii Warqadda Loo Diray!!
Xilli ka mid ah xilliyadii uu talinayay Khaliifka Muslimiinta Cumar Ibnu Khaddaab Allaha ka raalli noqdee, ayuu Saxaabiga Camar Bin Caas u magacaabay in uu noqdo hoggaamiyaha dhulka reer Masar, si dadka uu ugu yeero Towxiidka uguna Dhaqo Shareecada Islaamka.
Markii Camar Ibnu Caas uu tagay dhulka Masaarida, ayuu la kulmay dhaqan uu aad ula yaaba oo ah; in dadka reer Masar marka uu biyo yareeyo wabiga Niil ay ku tuuraan mid ka mid ah gabdhahooda tan ugu quruxda badan oo inta loo labiso dahab iyo xariirna lagu tixo ka dbino lagu tuuro Webiga Niil, si uu biyo badan u keeno.
Hoggaamiye Camar Allaha Ka Raalli Noqdee, waxaa uu bilaabay in uu joojiyo dhaqanakaas xun, ee ku salaysan shirkiga isagoona ku guuleystay in uu joojiyo. Nasiib wanaag markii uu joojiyay dhaqankaas ayaa wabiga Niil uu bilaabay in uu biyaha yareeyo, illaa markii dambe biyo la'aan baahsan ay dhacday iyo abaaro, taasi waxay keentay in dadka reer Masar ay bilaabaan barakac iyo iney ka soo horjeestaan Amiir Camar Bin Caas.
Camar Bin Caas oo yaaban ayaa farriin usoo diray Amiirka muslimiinta Cumar Bin Khaddaab, waxayna farriinta u dhacaysay sidan " amiir dadka reer Masar waxaan ku arkay dhaqankaas xun, markaan ka joojiyayna wabiga waxaa uu bilaabay in uu guro, ee maxaan sameeya". Cumar markii ay soo gaartay farriinta Camar Bin Caas ayuu ku warceliyay isagoo ku yiri " Camaroow waad asiibtay hadii aad joojisay dhaqankaas xun, ee waxaad tagtaa wabiga qarkiisa ka dibna isugu yeer cuqaasha Masaarida iyo dadka dhan ka dibna warqadaan ku tuur webiga"
Haddaba warqada lagu tuuraayo wabiga maxaa ku qornaa?. Waraqada waxay u qoraneyd sidan " ka socoto addoonka alle ee Cumar Binu Khaddaab, kuna socoto wabiga Niil, wabiyoow haddii ad biyaha ku keento adi amarkaaga waligaa biyo ha keenin, hadii aad biyaha ku keento amarka Allah waxaan Alle ka barrinay inuu biyo kaa keeno" warqadii ayaa lagu tuuray wabiga, ilbiriqsi kama so wareegan markiiba wabiga wuxuu bilaabay in biyo badan keeno isago 7-mar biyaha wabiga ay kor u kaceen mana fatihin Alle idinkii.
Intaas ka dib dadki reer Masar waxay bilaabeen in diinta Alle ay soo galaan iyagoo koox kox ah.
Nuxurka qisada waxay na tusaysaa, ahmiyada ay leedahay in addoonka uu ku dhagnaado xarigga Allehiii abuuray.
W/T: Mohamud Adan Mumin
Email: Haashi252@gmail.com
Tell:+252615645569


Xoojinta xiriirka qofka iyo rabigiisa waa muhiim
ReplyDelete