Posts
Showing posts from July, 2019
Shumicii Kismaayo Ee Shanta Soomaaliyeed Q.2aad.
- Get link
- X
- Other Apps
Dabshidka Bugaagta Kismaayo (Kismayo Book Fair). Waa goor hore salaadda subax inta aan la gaarin ayaan kasoo toosay huradada, maxaa yeelay waxaan aad iyo aad ugu xiisa qabaa in aan arko guud ahaan bulshada Kismaayo iyo qaabka ay magaaladda u egtahay, maadama aanan waligey iman safarkaan ka hor, kolkii aan tukannay saaladda waxaad moodaa in waqtiga uu noo hiillinayo, waxaan usoo baxay banaanka si aan u quraacdo. waa aroor hore jawigu aad u daganyahay, saxansaxada udgoonkeeda iyo qoyaanka dhadadii xalay oo dhibicdeedu ay dhirta ka muuqato, waxaa la ii keenay caano geel saafi ah iyo suqaar laga diyaariyay isla hilibka geela, marka aad intaas nabadda ku hesho show waa jaannadii adduunka Yaa Salaam!. isdiyaarin ka dib waxaa illinka Hotelka noo soo istaagay gaarigii noo ka xayn lahaa xarunta lagu qabanayo Dabshidka Bugaagta ee Kismaayo( Kismayo Book Fair ) oo haatan seddex jirsaday. Waxaan si daggan u raacnay gaarigii uu ka xaynayay Suheyb Xassan Maxamaed , wuxuu bilaabay in ...
Shumicii Kismaayo Ee Shanta Soomaaliyeed Q.1aad
- Get link
- X
- Other Apps
Maan Kulan Mihnadlayaal Mudan. Waxaa ay ahayd 06-luulyo-2019, goor sheegtada waxaa ay dul hoganaysaa 03:00pm (galabnimo) xilliga geeska Afrika, waxaan aad iyo aad ugu raaxaysanayay hurdo yar macaan oo ii bilaabatay 01:30pm qadada ka dib, durbadiiba waxaa yeeray taleefoonkayga gacanta oo gariir iyo dhawaaq igaga gaagixiyay hurdadii macaanayd, waan eegay mise waaa wicitaanka xubin sare oo ka tirsan Maan Kulan qabanqaabiyayaasha dabshidka buugaagta ee Kismaaayo oo canaan bood-ka ku soo jabiyay isagoo leh “ Guddoomiye waa maxay masuuliyad darrada intaan la eg, dadka kula socday waxaa ay hadda sugayaan kaliya diyaaradda oo kaligaa ayaa dhiman ee dhaqso". War yaa tanoo kale arkay! Inlee adduun howli kama dhamaato, durbadiiba waxaan u cararay dhanka suuliga si aan haddiiba isku diyaariyo ma hubo in aan so shallaynsatay, hasayshee waan soo subkaday tinta, waxaan ka walaacay cidda gagida diyaaradaha i geyn ...