Webigii Warqadda Loo Diray!!
Xilli ka mid ah xilliyadii uu talinayay Khaliifka Muslimiinta Cumar Ibnu Khaddaab Allaha ka raalli noqdee, ayuu Saxaabiga Camar Bin Caas u magacaabay in uu noqdo hoggaamiyaha dhulka reer Masar, si dadka uu ugu yeero Towxiidka uguna Dhaqo Shareecada Islaamka. Markii Camar Ibnu Caas uu tagay dhulka Masaarida, ayuu la kulmay dhaqan uu aad ula yaaba oo ah; in dadka reer Masar marka uu biyo yareeyo wabiga Niil ay ku tuuraan mid ka mid ah gabdhahooda tan ugu quruxda badan oo inta loo labiso dahab iyo xariirna lagu tixo ka dbino lagu tuuro Webiga Niil, si uu biyo badan u keeno. Hoggaamiye Camar Allaha Ka Raalli Noqdee, waxaa uu bilaabay in uu joojiyo dhaqanakaas xun, ee ku salaysan shirkiga isagoona ku guuleystay in uu joojiyo. Nasiib wanaag markii uu joojiyay dhaqankaas ayaa wabiga Niil uu bilaabay in uu biyaha yareeyo, illaa markii dambe biyo la'aan baahsan ay dhacday iyo abaaro, taasi waxay keentay in dadka reer Masar ay bilaabaan barakac iyo iney ka soo horjeestaan A...