Posts

Showing posts from May, 2017
Image
         WAA KUMA XALANE Maxaad Ka Taqaanaa Taariiqda Halyeygii Soomaaliyeed AUN Maxamed Cabdulle Xalane? Laga yaabee XALANE  meesha la dhaho inaa maqashay oo kaliya. =================================== Wuxuu 1943-kii ku dhashay Ceelbuur, wuxuunna Xoogga Dalka ku biiray bishii Juun 20-keeddii 1960kii. Waxaa lagu dilay dagaalkii kowaad ee dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya sanadkii 1964. Jaalle Siyaad oo ka hadlaya taariikhda Maxamed Cabdulle Xalane, wuxuu yiri: Aan ka taariikheeyo Maxamed Cabdulle Xalane, wuxuu ahaa nin askari ah oo Amxaaradu ku dishey Tog-wajaale; wuxuu ka mid ahaa horay joogtey; waxay ahayd koox ay cadowga is-hor fadhiyeen, waxaa dhacday in kooxdii la laayey; saddex qof keliya baa ka haray; meesha kooxdaasu joogtey oo ay go’doonka ku noqdeen waxay ahayd meeshii calanka Soomaaliyeed uu ku mudnaa; Maxamed Cabdulle Xalane markii raggii la baabi’yey oo ay ogaadeen in ayan meeshii hayn karin, inay colkoodii weynaa ku durkaan mooyee,...
Image
            ----------XUSUUSIN---------------- Ardaydii Shalay Madaxda Maanta Mudane madaxweyne/xildhibaane/Wasiir markaad ahaydeen arday wax kabaranay dugisyada sare e dalka, kuwa farsamada gacanta iyo jamacada umadda waxaa fursad la idiin siiyay inaad heshaan cunno, hooy iyo caafimaad bilaash ah  ay idiin sii dheerayd lacago la idiin siim jiray xiliyada fasaxyada. Waxa aad wax kubsoo barateen waa canshurta laga soo qaaday hooyada gada qudaarta, tan iibisa caanaha, tan iiinisa kalluunka, aaabaha fashaa beertiisa, iyo guud ahaan ganacsatada uu lahaa dalka wagaas. Taa cagsigeeda hadda dalka maanta waxaa jiraa kumanaaan dhallaan Somaliyeed oo aam haysan hooy fcn, caafimaad iyo cunno ku filan iskaba daaye tacliin. Dhallintaan iyo ubadkan Somaliyeed ee aan heesan dhamaam wax yabaha muhiimka u ah nolosha waxaaa ay hadda taaganyihiin marxaladii aad taagneedeen waagii aad ahaydeen ardayda dalka, adinkuna waxaad maanta fadhidaan maqaamki ay joog...