Shumicii Kismaayo Ee Shanta Soomaaliyeed Q.1aad
Maan Kulan Mihnadlayaal Mudan.
Waxaa ay ahayd 06-luulyo-2019, goor sheegtada waxaa ay dul hoganaysaa 03:00pm (galabnimo) xilliga geeska Afrika, waxaan aad iyo aad ugu raaxaysanayay hurdo yar macaan oo ii bilaabatay 01:30pm qadada ka dib, durbadiiba waxaa yeeray taleefoonkayga gacanta oo gariir iyo dhawaaq igaga gaagixiyay hurdadii macaanayd, waan eegay mise waaa wicitaanka xubin sare oo ka tirsan Maan Kulan qabanqaabiyayaasha dabshidka buugaagta ee Kismaaayo oo canaan bood-ka ku soo jabiyay isagoo leh “ Guddoomiye waa maxay masuuliyad darrada intaan la eg, dadka kula socday waxaa ay hadda sugayaan kaliya diyaaradda oo kaligaa ayaa dhiman ee dhaqso".
War yaa tanoo kale arkay! Inlee adduun howli kama dhamaato, durbadiiba waxaan u cararay dhanka suuliga si aan haddiiba isku diyaariyo ma hubo in aan so shallaynsatay, hasayshee waan soo subkaday tinta, waxaan ka walaacay cidda gagida diyaaradaha i geyn doonta, maadama shirkadaha gaarka loo leeyahay la dhaafay xilligoodii shaqada.
Isla markiiba waxaan wacay Wadaaygey Maxamed C/laahi waxaan u sheegay xaaladda aan ku suganahay, waxuu igu warceliya “ Saaxib waxba ha walwalin oo gurigaaga 500 oo tallabo wax ka yar ayaan u jiraa ee illinka soo istaag’’ hayeh. Alla nasiibkeygu wacnaa!.
Waxaan si dagdag ah ku gaaray garoonka anigoo is leh diyaaradda way ka tagtay, isla markiiba waxaaan ku celiyay saaxibkey Maaxamed waxaan ku iri saaxib gaariga ha dhaqaajin waxaan cabsi ka qabaa in ay diyaaradda iga tagtay, waxuu yiri” haye saaxib balse niyadda khayr u sheeg”. Waxaan maray baaritaankii oo dhan waxaan tagay xafiiski diyaaradda si ay howsheyda inta ka harsan iigu dhamayso, markii aan sidaa u istaagay ayaa oday waxaa uu si daggan ii yiri “adeer ma Muumin baa” saan iri haa adeer, wuxuu yiri “ shaqadeena mar hore ayay idlaatay wiilal kismaayo jooga ayaa maantoo dhan nagu hayay Muumin un noo suga ee adeer mar baaritaankaas si aad diyaaradda u raacdo” gabar aanan magaceeda xasuusan ayuu ku yiri “ Muumin soo looma dhamayn” haa adeer ayay iduna si dagdag ku tiri, aniga oo la yaaban sida xirfadaysan oo ay howhsaan u socotay ayaan arkay wiil iyo gabar oo iyaguna wiil la yiraahdo Abdirahman oo India jooga uu wax u fududeynayay. Markaas baan iri "war dhallintaan Kismaayo iyo Hindiya nooga kala adeegayo annagoo joogna Mudiqsho Waa Duulal Nuuce ah?"
Hubsiimo halbaa la siistaaye, waxaan odaygii ku iri adeer bal innaga hubi in diyaaraddu ay tahay middii ku wajahneyd kismaayo, odaygii oo qoslaya ayaa yiiri “adeer nasiibkaagu waa fiicanyahay e is daji, saacad ka dib kismaayo ayaad dagi alle idimki ee huradadana iska yaree” adeer hadalkaaga run allaha ka dhigo ayaan u raaciyay anigoo neef tuuuraya. Durbadiiba waxaan sheeda sare ka arkay Farxiya Muxuyidin Ysusuf(Lama Filaan) oo aan is iri malaha qof aysan dhawaanahaan arag ayay ka war-gureysay, waan u yeeray ima aysan maqal mar kale ayaan cod dheer ku iri Farxiya markaa ayay tiri “ Haa Muumin iwrn”. Anigoon oran waan fiicnahay ayaan ku iri ma diyaaradda Kismayo ku wajahan ayaad ku qorantahy, marka ayay igu tiri“ Haa diyaaradda ayaa nagu so yara daahday, macna ma leh laakiin waan iska sugeynaa” marka ay intaas tiri waxaa noo dhawaaqay nin cod wayn oo leh “ safka soo gala dadka u socda Kismaayo” waxaan is eegnay Daljir Abdullahi kuye “ Macrophone ma laha miyaa” durbadiiba safka in lagu kala hormaro ayaa bilaabantay, anna waan ciriirsaday illaa aan hubsaday in aan fadhiyo kursigii diyaaradda.
Ugu yaraan muddo saacad ah oo ay socotay diyaaradda waxaa ay caga dhigatay garoonka diyaaaradaha ee Sayd Maxamed Cabdulle Xasan, waxaa isoo dhacay taleefonka, waan eegay mise waa ninkii hurdada iga kiciyay oo I leh “ Guddoomiye ma is hesheen qolyihii garoonka idiin ka so kaxayn lahaa” wah! War niyahoow adigaaban caadi ahayne yaa ku sheegay in aan so caga dhiganay, wuxuu yiri “ waxaan ka dareemay sida uu taleefankaagu u dhacay isagoo aanan heli Karin daqiiqado ka hor”. Waxaan kasoo daganay diyaaradda waxaa saf ku jira wiilal iyo gabdho uu hor kacayay Suheyb Hassan Mohamed oo nagu yiri soo dhawaada, waxaan wada niri waan dhawnahay, Khadar Abdi Abdillahi ayaa ku yiri sawir soo kuma gali karno halkaan, suhayb ayaa yiri “ Cumarow kaalay wiilashaan sawir ka qaad” sawir qaade Cumar ayaa yiri is toosiya. Waxaa halkaas nalooga qaaday sawir wadareed ay ka maqnaayeen Suhayb iyo koox la soo dagayesay bugaag oo uu isagu caawinayay oo aan ka xasuusto Daljir iyo Lama Filaan.
![]() |
| Midig Siraad, Timacadde, Khadar, Muumin, Shaaciye Iyo Xaashi. |
Waxaan kala raacnay ugu yaraan 5 gaari oo nooca raaxada ah, aniga waxaan nasiib u yeeshay in aan raaco gaari uu waday Suhayb, laamigu malaha jajab iyo jidgooyo midna, waxaa gaariga ka shidnaa hees aad u macaan oo kaban ah “waayeelka jaqafsada” erayada heesta waxaa leh Abwaan Axmed Saleebaan Bide, waxaa laxameeyay Axmed Gacayte, codkana waxaa ku laray Maxamed Mooge liibaan. Intaas waxaa usii dheer hareeraha laamiga waxaa ku meegaagan dhir dabiici ah oo aad u cagaaran.
Waxaan soconnay (13-15Km) si raaxo leh, darawalka ka xaynayay gaariga waxaa uu mid mid noogu sharraxayay inta u dhaxaysa magaalada iyo garoonka, aniga iyo dadka igu wehlinayay gaariga waxaan dhagta u taagaynay oraahda kasoo baxaysa afka darawalka iyo sharraxaadiisa. Waxaan sooo galnay Kismaayo martidiina barbaa lagu so dajiyay hotel ku yalla bartanka magaalada, aniga iyo Shaaciye ayaa horay naloo sii gudbiyay illaa nala geeyay hotelka naloo diyaariyay, daqiiqado ka dib waxaa isoo gaartay farriin shegeysaa in ay jirto casho wadareed marka ay goorsheegtadu gaarto 08:00pm fiidnimo.
Kolkii la gaaray waqtigii ballanta, waxaa noo yimid gaari na gayn lahaa goobta lagu madalsanaa, koox koox ayaa martidu loo keenayay, waxaad mooda in meesha layskugu keenay dad waysanaa qaab ay isku arkaan ama ay ku sheekeystaan oo u badnaa bahwadaagta qoraalka, hal abuurka iyo haldoorka bulshada. Aniga durbadiiba waxaan is helnay abwaan C/raxmaan Fiilli, oo ka mid ah haloorka reer jigjiga, waa la wada yimid ka hor cashada martida waxa la siiyay fursad ay si gaar gaar ah iskula showraan. Waxaa la gaaray xilligii cashada iyadoo halkaas laysku baray guud ahaan martida oo kala timid dhammaan gobollada dalka iyo wadamada dariska qaarkood, isbarasho iyo qaraxaysi ka gadaal waxaa naloo kala kaxeeyay Hodhalladii aan ka kala daganayn Magaalada.
La Soco Qaybaha 2-aad Iyo 3-aad.
W/Q: Mohamud Adan Mumin


Comments
Post a Comment