Shumicii Kismaayo Ee Shanta Soomaaliyeed Q.2aad.



Dabshidka Bugaagta Kismaayo (Kismayo Book Fair).

Waa goor hore salaadda subax inta aan la gaarin ayaan kasoo toosay huradada, maxaa yeelay waxaan aad iyo aad ugu xiisa qabaa in aan arko guud ahaan bulshada Kismaayo iyo qaabka ay magaaladda u egtahay, maadama aanan waligey iman safarkaan ka hor, kolkii aan tukannay saaladda waxaad moodaa in waqtiga uu noo hiillinayo, waxaan usoo baxay banaanka si aan u quraacdo.
waa aroor hore jawigu aad u daganyahay, saxansaxada udgoonkeeda iyo qoyaanka dhadadii xalay oo dhibicdeedu ay dhirta ka muuqato, waxaa la ii keenay caano geel saafi ah iyo suqaar laga diyaariyay isla hilibka geela, marka aad intaas nabadda ku hesho show waa jaannadii adduunka Yaa Salaam!. isdiyaarin ka dib waxaa illinka Hotelka noo soo istaagay gaarigii noo ka xayn lahaa xarunta lagu qabanayo Dabshidka Bugaagta ee Kismaayo( Kismayo Book Fair) oo haatan seddex jirsaday.

Waxaan si daggan u raacnay gaarigii uu ka xaynayay Suheyb Xassan Maxamaed, wuxuu bilaabay in uu sharraxaad naga siiyo goobaha qadiimiga ee ku yaal magaalada illaa aan ka gaarno hool ka samaysan quraarad/dhalo layska arki karo oo ay hareeraha kaga geedamantahay dhir dabiici ah oo aan cidiba beerin iyo geedo quracyo waawayn, waa  Waamo Garden oo ah halka lagu qabanayay Carwada Bandhigga Buugaagta ee Kismaayo oo aan la ashaqaraaray hanaanka loo diyaariyay cajiib!, waxaan soo galnay hoolki, waxaa nagu soo dhaweeyay gabdho xiran dharka hiddaha iyo dhaqanka, haa allaylaheee waa qureyshtii reer Waamo ayaa niyadda ka iri, hoolka ayaanna sii galnay. 

Wiil dhalinyaro ah ay xirfad sare ka muuqato ayaa igu yiri “mudane soo dhawoow halkaas aan martida u diyaarinay fariiso”, waxaan la fariistay abwaannada kala ah Abdirahman Mohamed Mohamud (Fiilli) iyo Mohamed Yaasiin (Gabay Dhuux).
Waxaa toos u furmay bandhigii bugaagta oo uu daah furay Madaxwaynaha Maamul Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, wuxuu bogaadiyay akhriska iyo qoraalka, faahfaahiyayna geeddi-socodka carwada buugaagta ee Kismaaayo, isagoo tibaaxay in ay jiraan qorayaal reer kismaayo ah  soo magac qaadayna Kaafiyo Gaanni iyo buugeeda Garnaqsi, wuxuuna raaciyay in dumarka garnaqsigooda xilligaan ay keentay dhibaatooyinka ka jira dalka. Madaxwaynaha wuxuu ballanqaaday in uu dhisi doono Maktabad ay wax ka aqristaan bahwadaagta akhriska iyo Ardayda Jaamacadaha.

Waxaa gudaha loo sii galay badwayntii Sooyaalka akhriska iyo qoraalka Soomaaliya, waxaa lasoo bandhigay bugaag, waxaa farta lagu goday taariikhda iyo muhiimadda ay leedahay akhriska iyo qoraalka, waxaa la bilaabay doodo cilmiyeesan oo macno wayn u samaynayay martida laga keenay gobollada dalka iyo bulshada reer Kismaayo ee ka qaybgalayay bandhiga. Durbadii waxaan kala furtay buugaygi si aan wax uga barto khubarradii laysugu keenay madasha oo rag iyo dumarba lahaa.

Markii la gaaray barqadi ayaan baxay si aan jawiga u badasho anigoo sii sahansaday in aan tago geed wayn oo qurac ah, kolkan imid illinka hoolka ayaa waxaan is aragnay wariyaha Channel4 Jamal Osman oo u wehliyo muuqaal duube, ka dib waan sii dhaqaaqay oo waxaan iska hor nimid AUN wariye Hodan Nalayeh (Integration Somali Tv) isla markiiba waxay igu tiri “ Wow Rer Muqdisho My Favorite People” salaan iyo warysi ka dib waxaa ay iga codsatay in aan kulamo u qabanqaabiyo Ardayda laba jaamacadood oo Muqdisho ku taalla si ay uga sameyso barnaamij la xiriira waxbarashada marka lagaaro bisha September, waxay iga codsatay in aan sawirro ka qaado si ay u dhigto boggeeda twitterka, allaha unaxaristo Hodan oo ahayd gabar aad u farxad badan hadalkii ugu dambeyay oo ay i tiraahdo ayaa ahaa “ walaal aan iska warqabno bisha sep haddii alle idmo.”


Carwada waxaa ay ahayd madal fursad u siisay in ay si toos ah isu arkaan shacabka ku dhaqan magaalda kismaayo iyo qeybaha kala duwan ee hay’adaha Jubbaland sida garsoorka, sharcidajinta iyo fulinta. Waxaa halkaasi yimid wasiiradda wasaaradaha ka shaqeya arrimaha bulshada ee laysku yiraahdo “ Line Ministers” iyo sidoo kale wasaaradaha kale ee Jubbaland, waxaa waydiimo toos ah waydinayay dadwaynaha kasoo qaybgalay bandhiga, waxaa intaas sii dheeraa in ay madasha yimaadeen xildhibaano ka tisan Barlamaanka Federalka Soomaliya(BFS), iyadoo sidaas ku sii socotay labada maalin ee xigtay. Waxaa soo xeray bandhiga madaxwayne ku xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayd Adan.

Guud ahaan Inta la joogay madasha waxaa la xaqiijiyay in hal abuurka aysan ku xirneyn da’ gaar ah hayashe ay tahay sida uu qofka ugu dhiirrado in uu soo saaro hibada uu alle siiyay, maxaa yeelay dabshidka buugaagta ee Kismaayo waxaa ay kulmisay hal abuurkii ugu da’da yaraa iyo kuwii ugu waynaa sida idiinkaga muuqato sawirka hoose.  

Waa Abdikariin Daahir Mohamed oo ah gabyaa 13 jir laga soo casuumay maagalada Gaalkacyo iyo Prof. Mohamed Kastaro oo ah tababare si wayn looga garanayo guud ahaan jubbooyink,  dhalinyarada ayuu ku dhiirrigaliyaa hal abuurka iyo wax soo saarka. Abdikarin dalmar marka ay dadku caajis dareemaanba waxaa looga yeerayay masraxa si uu halkaas uga jeediyo gabayo qiiro iyo maadba leh.




   Ugu dambayntii,  Marka laga soo tago bandhigaan, waxaan aad iyo aad ugu xiisa qabay in aan wax badan ka ogaado xaaladda Ardayda wax kabarta maagaalada Kismaayo, nasiib wanaag Ardayda waxaa ay ku jireen fasaxa sanadeedki waxbarashada mana jirin Jaamacado ama dugsiyo furnaa si aan u booqdo, balse guddiyada Ardayda oo aan la kulamay waxaa ay i galisay ifafaalo iyo yadadiilo xambaarsan in Kismayo ay noqoneyso xarunta kobaca cilmiga iyo hal abuurka, maadama inta badan warbixinnada aan Ardayda ka helayay ay la xiriireen dhanka togan, mahadi haka gaartee kulanka waxaa  gacan wayn ka gaystay Ugaas Mohamed Siraad guddoomiyaha Ardayda Qaranka Jubbaland iyo howl-wadeenada la shaqaynayay . Sidoo kale waxaa jirtay casuumaad aan ka helayay dugsiyada sare in aan kala qaybgalo xafladaha qalinjabinta ee Ardayda dhamaysay dusgsiyada, taasoo ahayd fursad kale oo aan ku soo dhexgalyay ardayda.


la soco qaybta 3-aad
  
 W/Q: Mohamud Adan Mumin 

Comments

Popular posts from this blog

Dear Diary

The Real Friend Motivates You Every Situation In Your Life