Shumicii Kismaayo Ee Shanta Soomaaliyeed Q.2aad.
Dabshidka Bugaagta Kismaayo (Kismayo Book Fair). Waa goor hore salaadda subax inta aan la gaarin ayaan kasoo toosay huradada, maxaa yeelay waxaan aad iyo aad ugu xiisa qabaa in aan arko guud ahaan bulshada Kismaayo iyo qaabka ay magaaladda u egtahay, maadama aanan waligey iman safarkaan ka hor, kolkii aan tukannay saaladda waxaad moodaa in waqtiga uu noo hiillinayo, waxaan usoo baxay banaanka si aan u quraacdo. waa aroor hore jawigu aad u daganyahay, saxansaxada udgoonkeeda iyo qoyaanka dhadadii xalay oo dhibicdeedu ay dhirta ka muuqato, waxaa la ii keenay caano geel saafi ah iyo suqaar laga diyaariyay isla hilibka geela, marka aad intaas nabadda ku hesho show waa jaannadii adduunka Yaa Salaam!. isdiyaarin ka dib waxaa illinka Hotelka noo soo istaagay gaarigii noo ka xayn lahaa xarunta lagu qabanayo Dabshidka Bugaagta ee Kismaayo( Kismayo Book Fair ) oo haatan seddex jirsaday. Waxaan si daggan u raacnay gaarigii uu ka xaynayay Suheyb Xassan Maxamaed , wuxuu bilaabay in ...
Comments
Post a Comment