MUSHKILADAHA YAR YAR EE AAN ISKA HOR QAADI KARNO INAAN DHAYALSANNO AYAA DHIB NOOGU FILAN.!!!
Ka hor qormadayda kooban ila aqrista qisadan walaalayaal.
Qisada.
Nin xaakim ah oo aad u caqli badnaa ayaa hadda ka hor waddo(jid) ay dadku mari jireen ku gooyey dhagax weyn, mid ka mid ah shaqaalihiisa ayuuna ku amray inuu ilaaliyo una soo gudbiyo wax kasta oo ay dadka sameeyaan iyo eray kasta oo ay ku hadlaan...
Nin ganacsade ah ayaa soo maray wuxuuna yiri isagoo qeylinaya:-
Waa in dowladda loo sheego dadkaan si ay tallaabo sharci ah ugu qaado kuwii falkaan sameeyay ayuu yiri...
Wuuna iska sii socday..
Nin xoogsato ah ayaa soo maray wuxuuna isaguna si hoose u yiri:- waa in dowladdu ay tilaabo ka qaadaa dadkii waxaan sameeyey...
Wuuna iska sii socday...
Sadax wiil oo dhalin yaro ah ayaa soo maray waxeyna ka hadleen xaaladda xun ee dalkooda ka jirta waana ay iska sii dhaqaaqeen...
2 maalin kadib ayaa waxaa soo maray nin iska faqiir ah oo beeraleey ah wuxuuna u dhaqaaqey dhanka dhagaxii si uu uga wareejiyo(leexiyo) wadada isagoo kaalmo ka dalbaday dadkii wadada maraayey si ay ula qaadaan dhagaxa...
Waana ay ku guuleysteen iney ka qaadaan dhagaxii weynaa ee wadada ku go'naa.
Dhagixii marki ay qaadeen ayey hoostiisa ka heleen sanduuq ku jiray god dhagaxa hoostiisa ka qodnaa...!!!
Sanduuqa waxaa ku jiray dahab iyo warqad ay ku qoran tahay:-
Ka socota xaakimka ku socota qofkii dhagaxaan ka wareejiyay wadada, sanduuqaan waa abaal marin qofka wanaaga jecel oo ku dhiirada xalinta mushkiladaha uu xalin karo intii uu dowladda usoo ashtakoon(dacwoon) lahaa.
Ujeedka
Hadaba aqristoow sawirkaan aad arkaysaan waa laamiga isku xera isgooysyada Bakaaraha iyo kan Blacksea ee Dagmooyinka Hodan iyo Howlwadaag.
Bal u fiirso waxaa ku ag ganacsanaya labada dhinac ee laamiga ganacsato Somaliyeed oo xitaa qaar ka mid ah ay u muqdaan wadaado(culimo) hadana marnaba kuma so dhicin maankooda war aan iska nadiifinno qashinkaan horteena yaalla intuu noo dhimaayo ayaa ka badane, iskaba daaye, taa cagsigeeda mararka qaar waxaa dhacda iney usii miisaan oo ay qashin kale ku daraan.
Waxaa muuqato inay tahay ayaan daaro haysata dadkeena ee aragtidooda ku soo koobantay danahooda gaarka ah iyagoo ah dad muslimiin oo ahlu imaan ah.
قال رسول الله صلي الله عليه وسلم" النظافة نصف من اﻹيمان"
Nabi Muxamed (NNH) wuxuu yiri" Nadaafadu waa iimaanka barkiis"
Ugu dambayn, Hadaba dadka Somaliyeed ee ku ganacsado nawaaxiga wadada iyo kuwa ag daganba inaad naf isku yeeshan oo aad isxilqaantaan iska nadiifiya wadada .
SOMALIYEY WAXAAD MAANTA BI'ISAAN BARRI HA U SHALLAAYIINA!!!
W/Q:: MOHAMUD ADAN MUMIN

![]() |

waa aragti waaqici ah misena ubaahan iska xilsaarid.
ReplyDeleteAad iyo aad masu
Delete